Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Dowladda oo War kulul kasoo saartay falkii lagu rasaaseyay Xasan Sheekh

Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay rasaastii maanta lagu furay Kolonyo gaadiid ah uu la socday MW hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marayay meel u dhaw Maxkamada gobalka Banaadir.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka Asluubta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in falkaas ay ka xun yihiin, is lamarkaana ay ka raali gelinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiir Cabdirsaaq Maxamed Nuur iyo Taliye Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa falkii lagu rasaaseeyay Xasan Sheekh ku tilmaamay in uu ahaa mid ku dhacay si kama’ ah oo aan loogu talagelin Madaxweynaha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u saartay arrintaan, iyadoo sidoo kale masuuliyiinta hadashay ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaaneen doorkii uu ka qaatay in la joojiyo isku dhicii dhaxmaray ilaaladiisa iyo ciidanka Asluubta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA.

Ciidamo ka tirsan DF ayaa galabta rasaas ku furay gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud xili ay marayeen degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Ilaalada la socotay gaadiidkan ayey wararku sheegayaan ineysan ka jawaabin rasaasta ka dib markii uu sidaas amar ku siiyey Xassan Shiikh, lamana sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.

Exit mobile version