WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Jabuuti oo si kulul uga hadashay Dagaalka Tukaraq, nabadna ugu baaqday Puntland iyo Somaliland-Video

By Abdi rashid

May 26, 2018

Hargeysa (Horuadhi News)-Dowladda Jamuuriyadda Dalka Jabuuti ayaa ka hadashay Dagaalka iyo Xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan Maamuladda Puntland iyo Somaliland.

Safiirka Dalka Jamuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliland ayaa ka hadlay dagaalka isaga oo ugu baaqay labadda dhinac in ay joojiyaan xabadda isla markaana ay raadiyaan xalka iyo waan waan kale oo nabad lagu dhalin karo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xuseen Cumar oo ah Safiirka Jabuuti u fadhiya Hargeysa ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa waxaa uu ugu baaqay Somaliland iyo Puntland in ay joojiyaan Dagaalka.

Dhanka kale Safiirka Jabuuti u fadhiya Jamuuriyadda Jabtuuti waxaa uu Maamulka Somaliland uga tacsiyeey Dadkii iyo Dunyadii ku baa,baday Duufaantii ku dhufatay Qaybo kamid ah Deegaanada Maamulka Somaliland gaar ahaan Awdal,Salal iyo qaybo kamid ah Saaxiil.