Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Dowladda oo si kulul ug hadashay weerarkii Al-shabaab Wisil

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii waaberigii hore ee saakay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee waqooyiga Gobolka Mudug, una dhexeeya magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee Gobolkaas.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka Wisil ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala in Al-shabaab laga hor istaagay inay qabsadaan deegaanka, isla markaana lala galay dagaal culus, isagoona tallaabadaas ku boggaadiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-cadaala ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarka lagu soo qaaday Wisil iyo dagaalkii halkaas ka dhacay, halka kuwa dhaawacmay uu Alle uga baryay inuu siiyo Caafimaad Deg-deg ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Exit mobile version