WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dowladda oo shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelka Xayaat

By xuseen waashitoon

August 21, 2022

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa shaaciyay tirade dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii Al-shabaab ay ka fulisay Hotelka Xayaat ee ku yaalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka oo tagay isbitaalada la geeyay dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarkaas ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay 21-ruux ay ku geeriyootay weerarka halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonto daryeelka dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarkii Al-shabaab, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxyadii dhacay.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay in muddadii uu socday weerarka ku qaaday Hotelka hay’adaha amniga ay xoogga saareen badbaadinta iyo badqabka muwaadiniintii goobta ku sugnayd.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA