Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Digniin ku socota Ganacsatada, iyagoona uga digay inay taageero lacag siiyaan dagaalamayaasha Al-shabaab, sida uu waraahinta u sheegay Wasiirka Ganacsiga.
Wasiir Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay in laga bilaabo maanta ganacsidihii Al-shabaab taageero ama siiyo lacag ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto hantidiisa sidoo kalane loola dagaalami doono.
Wasiir Jabriil ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Maraakiib la shaqeysa oo u sheega hantida ay wadaan iyo cadadka hantidaas ka hor inta aysan Soomaaliya soo gaarin, waxa uuna dalbaday in Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda uu arrintaas wax ka qabto.
“3 illaa 4 Shirkadood ayaa jira oo macluumaadka ganacsiga Dekadda kasoo daga siiya Al-shabaab Wasaaradda Dakaduhu wa inay Shatiga kala laabataa, sidoo Kale Nootaayooyinka Muqdisho waxay toos ula shaqeeyaan Al-shabaab” ayuu yiri Wasiirka.