WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo ka hadashay Qaraxii lagu dilay Marxuum Cabdicaiis Afrika

By xuseen waashitoon

November 21, 2021

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday Gaari ay wadajir u saarnaayeen Agaasimayaasha Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in AUN Cabdicasiis Maxamed Guuleed Afrika uu ahaa qof af iyo adin kula dagaalamay Al-Shabaab, isla markaana qayb weyn ka qaatay in xukun cadaalad ah lagu fuliyo dad dilal kala duwan geystay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa intaas sii raaciyay in aanay baqdin gelin doonin ficilka lagu dilay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa halyeey qaranka ka baxay.

Maanta oo Axad ah ayuu qorshuhu ahaa in AUN Cabdicasiis uu u safro Dalka Hindiya si uu arrimo caafimaad ugu geeyo Hooyadiis iyo Marwadiisa sida Xaldoon ay u xaqiijiyeen xubno katirsan ehelkiisa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ