WARARKA SOOMAALI

Video:-Donald Trump oo eryey la taliyihiisii Amniga John Bolton & xiisad ka taagan aqalka cad!!.

By Abdi rashid

September 10, 2019

 Laascaanood (HM)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka qaadey lataliyihiisa arrimaha ammaanka, John Bolton.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu Trump ku sharaxay sababta ku kaliftay in uu Aqalka Cad dibada uga saaro siyaasigan saameynta leh.

“Waxaan habeenkii hore ku wargeliyay in adeegyadiisii aanan looga baahneyn Aqalka Cad guriga looga arimiyo dalweynaha Mareykanka,” ayuu yidhi Trump.

HALKAN KA DAAWO

Mas’uulka cusub ee bedeli doona Bolton ayaa waxaa la filayaa in lasoo magacaabo todobaadka soo aadan, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo ay soo xigatay warbaahinta.

Mr Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray: “Waxaan si xoogan isugu maandhaafnay arrimo badan oo uu iisoo jeediyay”. Ma uusan shaacina arrinta.

Shaacinta madaxweyne Trump ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadda oo warar ay sheegayaan kala qeybsanaan xoogan oo soo kala dhex-gashay wasiirada Trump.

Kala qeybsananata ayaa lagu waramayaa in ay ka dhalatay kulankii uu baajiyey Trump, kaasi oo uu la lahaa hogaamiyeyaasha Taliban, kaasi oo qabsoomi lahaa isbuucan.

Dhanka kale Lataliyihii amniga ee Mareykanka kaasi oo uu Donald Trumop shaaciyey in uu eryay ayaa wuxuu ka falceliyay go’aanka madaxweynaha.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in uu codsadey is-casilaad balse uu dalab kaga yimid Trump.

“Habeen hore ayaan ka codsadey in aan is-caslio; madaxweyne Trump ayaana igu yiri “Aan wada hadalno berrito,” ayuu soo daabacay John Bolton.

Bolton ayaa wuxuu kamid yahay siyaasiyiinta ugu maqaamka sareysay Mareykanka, kuwaasi oo xilal kala duwan soo qabtay dowladihii ugu dambeeyay.

Haatan waxa uu si rasmi ah ugu biirayaa liiska siyaasiyiinta ay aragtida isku qabteen kadibna isaga baxay maamulka uu majaraha u hayo Trump.

Tani ayaa waxay xoojineysaa warar soo baxayey oo tibaaxaya in Wasiirada xukuumada Washington ay isku khilaafeen baajinta Trump ee kulankii madaxda Taliban.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in uu hakiyey wada hadaladii uu kula jiray ururkaasi, kaasi oo soo socdey bilooyinkii lasoo dhaafay.

Horufadhi News