Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Diyaarad ay lahaayeen ciidamada Ruushka oo lagu soo ridey gobolka Idlib Dalka Siiriya-Video

Diyaarad nooca dagaalka ah Sukhoi-25 oo ay leeyihiin ciidamada dalka Ruushka ayaa lagu soo ridey gobolka Idlib Waqooyi Galbeed dalka Syria halkaa oo ay ka taliyaan mucaaradka dowlada Siiriya.

Wasaarada Gaashaandhigga Ruushka ayaa waxa ay sheegtay in duuliyihii diyaarada uusan ku dhiman burburka diyaarada balse ay dileen dagaalyahanada ka taliya deegaankaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ururka Hayat Tahrir al-Sham oo hore lala xiriiriyo al-Qaacida ayaa sheegatay inay soo ridey diyaaradan dagaalka ah ee laga leeyahay dalka Ruushka.

Dowlada Siiriya oo taageero ka heleyso diyaaradaha dowlada Ruushka ayaa bilaabay dagaalo ay la galeen mucaaradka bishii December gobolka Idlib.

Diyaarada la soo ridey ayaa la sheegay in ay ku jirtey weerar duqeyn ah oo ay ku qaadeysay magaalada Maasaran ee gobolka Idlib.

Waxaa 24kii saacadood ee la soo dhaafay ay diyaaradaha Ruushka ka wadeen duqeyn gobolka Iblib sida ay sheegeen kooxaha la socoshada dalka Siiriya.

War ay soo dhigeen baraha bulshada ururka Tahrir al-Sham ayaa waxa ay ku sheegteen inay soo direen diayarada iyagoo isticmaalaya gantaalada garabka laga rido.

Kooxdan ayaa waxaa ay sheegeen in xilligii la soo ridayay diyaarada ay duqeyneysay magaalada Saraqeb. Ururka Hayat Tahrir al-Shab ayaa gobolkaa sanadihii la soo dhaafay ka howlgalayay iyadoo dhowr jeer magacyo kala duwan uu ururku sameystey.

Exit mobile version