WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dil Argagax leh oo ka dhacay xaafad Magaalada Muqdisho iyo dad badan oo…

By xuseen waashitoon

December 05, 2021

Waxaa xalay xaafad katirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ka dhacday dhacdo argagax leh oo dad badan murug ku beertay, kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu dilay xaaskiisa.

Muran dilka ayaa ka dhashay lacag dhan 25-Dollar oo haweeneyda u diiday ninkeeda oo ka codsaday,  waxaana ugu dambeyn muranka uu keenay in ninkan uu si arxan daro ah u dilo xaaskiisa xaaskiisa 12-caruur ah u dhashay.

Ehelada haweeneyda la dilay oo lagu magacaabayay Qamar Cabdiraxmaan Cumar ayaa sheegay in ninkeeda uu xalay xili dambe si arxan daro ah ugu dilay toorey ay sheegeen in ay aheyd nuuca geella lagu qalo.

Ninka gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Maxamed Shiime Muumin ayaa dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana socda howlgalo ay ciidamada booliiska  ku raadinayaan ninkan dilay xaaskiisa oo u dhashay 12-caruur ah oo sadex kamid ah ka saqiireen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA