Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Digniin culus oo ku socota ganacsatada Soomaaliyeed-Video

Muqdisho (HM)-Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka digay in qiimaha maciishadda la kordhiyo.

Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Gen. Cabdullahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayuu Ganacsatada Soomaliyeed uga digay inay sare u qaadaan maciishada quutul-daruuriga ah, iyagoo ka faa’ideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bariise ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidii ka dhega adeygta digniinta ay u direen.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamo Boolis dharcad ah ay geeyeen suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho si ay uga hortagaan ganacsatada sicir bararka abuureysa.

“Ganacsadihii lagu helo inuu sicir barar wado, xabsiga ayaan u taxaabeynaa, sharciga ayaana la tiigsan doonnaa” ayuu yiri Jen. Bariise.

Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa ku soo aaday xili habeen hore RW Somalia uu la kulmay madaxda rugta ganacsiga Soomaaliyeed isagoo uga digay in xiligan lagu jiro xaaladaha adag aysan quutul daruuriga ku qaaliyeyn shacabka.

Exit mobile version