WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dhakool oo ka hadlay go,aano kasoo baxay shir ay dhawaan yeesheen qaar kamid ah Isimadda SSC-Video

By Abdi rashid

January 14, 2018

Xildhibaan Dhakool oo kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka sool ayaa ka hadlay xaaladaha ka aloosan qaybo kamid ah Gobalka Sool gaar ahaan xaaladda Tuka-raq.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhakool ayaa ka jawaabay sidoo kale war murtiyeed kasoo baxay shir ay yeesheen dhawaan qaar kamid ah isimadda SSC oo ka dhacay Deegaanka Buuro-wadal shirkaas oo qodobadii ugu waa weynaa ay kamid ahayd in Dagaal lagu qaado maamulka Somaliland isla markaana shacabku iska xoreeyaan.

Dhakool waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay hadalka kasoo yeedhay qaar kamid isimadda SSC waxaana uu sheegay in aan Tukaraq lagu jihaadeyn.