WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dhacdo naxdin iyo Argagax leh oo ka dhacday duleedka Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

December 07, 2021

Warar dheeraada h ayaa kasoo baxaya Carruur walaalo ah oo Maanta meydkooda laga helay duleedka Muqdisho, kadib baadi goob saacado qaatay oo ehelka carruurtaasi ay sameeyeen, inkastoo ugu dambeyntii la helay iyagoo Meyd ah.

Meydka labada Carruur ayaa laga helay Tabbeelahha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo laso dhigay igaoo mayd ah, waxaana Eheladu ay sheegeen in Xalay loo diray adeeg, kadibna lawaayay, ka hor inta aan la helin iyagoo Meyd ah.

Warar hoose oo aynu ka helnay Eheleda Carruurta la dilay ayaa waxaa ay sheegayaan in falka dilka ah looga shakisan yahay Adeer qabay Hooyada dhashay Labada Carruur oo kala ah Wiil iyo Gabar.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Goobta falku ka dhacay waxaana la sheegay in ay xabsiga dhigeen Adeerka laTuhunsan yahay in uu ka dambeeyay dilka  carruurtaasi.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA