Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay Isbitaalada magaalada Muqdishu ku booqday bukaannadii ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen degmada Wisil ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka qaraxa ku bilowday ee shalay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee Mudug, iyagoona tacsi u diray dhamaan intii ku dhintay dagaalkii degaanka Wisil.
Dhinaca kale madaxda ayaa bogaadisay shacabka iyo ciidamada qalabka sida ee iska caabiyay weerarka xarakada Al-shabaab.
HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa u duceeyay bukaanada in Ilaahey caafimaad degdeg ah siiyo, ayagoona dhanka kale ballan qaaday in ay sii labalaabi doonan hawlgal ka dhan ah Al-shabaab.