WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-DFS iyo Bangiga Adduunka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 445 Milyan

By Xuseen Post

July 01, 2021

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan kula qaatay xrunta Wasaaradda Maaliyadda Kristina Svensson oo ah Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Adduunka .

Kulan uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay guulaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo maalgelinta mashaariicda mustaqbalka.

Kulanka kaddib ayaa Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka Kristina waxa ay kala saxiixdeen heshiis gaaraya $445 Milyan oo Dollar oo ah Mashaariic kala duwan oo Deeq ah, isla markaana lagu horumarinayo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in mashaariicda ay kala saxiixdeen aad iyo aad muhiim ugu yihiin Soomaaliya, mashaariicdaas ku saabsan Caafimaad, Tacliinta iyo waxyaabo kale oo fara badan isugu jirta.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariic intaan ka badan ay soo socdaan, sidoo kalena kala saxiixan doonaan inta uusan sannadkaan dhammaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA