WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dawladda Somalia oo Maanta gudbisay heshiisyo oo caalami ah

By Xuseen Post

April 06, 2021

Munaasabad ka dhacday Talaadada maanta xarunta  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo habka fogaan aragga uu uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) , Guy Ryder iyo saraakiil kale  ayaa si rasmi ah wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax uu ku gudbiyay toddobo heshiis.

Wasiir Duraan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Hay’adda ILO ay gudbiyeen toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha, ayna Soomaaya hormuud ka noqotay heshiisyada oo uu ku tilmaamay Arrin taariikhi ah.

Heshiisyadan  maanta ay xareysay hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO waxaa qeyb ka ah Caafimaadka iyo Bad-qabka Shaqaalaha, Xaq-dhowrka Shaqaalaha muhaajiriinta,la-dagaallanka dhibaateynta iyo handadaada Haweenka shaqeeya iyo iskaashiga saddex geesoodka, ee Dawladda, Loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha.

Riix halkaan si aad u Daawato Muuqaalka.