WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Darawal Mooto Bajaaj lagu dilay Muqdisho & Amniga oo faraha ka baxay

By xuseen waashitoon

March 01, 2023

Waxaa galabta Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu darawal Mooto Bajaaj ku dilay wadada dheer ee u dhexeeysa Isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka-daahsoon ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegaya in dilka uu ka danbeeyay, kadib markii Askari iyo darawalka uu soo kala dhex-galay muran kooban, kadibna uu rasaas ku furay, sidaasina uu Akariga ugu dhintay goobta.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ka dhacay banaanbax xooggan oo ay dhigeen qaar kamid ah dhallinyarada ku shaqeesata Mooto Bajaajta, oo ka gadoodsan dilka oo gyestay darawal kamid ah.

Dilka maanta ayaa imanaya, iyada oo shalay un uu askari illaalo u ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu agagaarka Laamiyaraha Zoobe ku dilay wiil dhallinyaro ah, oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ay u geysanayan darawalada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibane u noqday askarta dowlada.