HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Danjire Camey oo si heer sare ah loo gudoonsiiyey warqadaha Safiirnimo.

Laascaanod ( HM ) Safiirka Dalka Soomaaliya u Fadhiya dalka Itoobiya iyo AU  Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Camey  ayaa waxaa Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoontay Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle work Zewde, oo ku Qaabishay Qasriga madaxgooyada dalkaas.

Madaxweynaha Itoobiya  ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga gudoontay safiirka oo dhawaan loo magacaabayin uu noqdo danjiraha dalkeena u jooga Ethopia.

Ka hor kulanka safiirka iyo madaxweynaha ayaa danjiraha waxaa si diiran madaxtooyada ugu soo dhaweeyay Diplumasiyiinta safaaradda iyo diploomaasiyiinta wasaarada Arimaha dibada Erhiopia iyo shaqaalaha Qasriga madaxtooyada.

Danjire Camey iyo madaxweynaha Ethopia ayaa kawada hadlay arimo ku saabsan xoojinta xidhiidhka dhexeeya labada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiyada dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal.

Exit mobile version