WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dad ku dhintay Shil naxdin leh oo ka dhacay duleedka Magaalada Burco

By xuseen waashitoon

June 06, 2022

Faah faahino ayaa laga helayaa shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay degaanka lagu Magacaabo Qoyta oo ku yaalla duleedka Magaalada Burco ee degaannada Somaliland.

Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu rogmaday Gaari nooca Soomaalida u taqaano Caasiga ama Homey, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Saddex Ruux halka 7 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa durbadii loola cararay Isbitaalka Magaalada Burco oo xaaladdooda Caafimaad haatan lagula tacaalayo halkaas, sidoo kalena waxaa la aasay Meydadka dadkii ku dhintay Shilkaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA SHILKA