WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Daalibaan oo ku dhawaaqday War farxad geliyay Afganistaan

By Xuseen Post

August 17, 2021

Labo maalin kadib, markii ay Xarakadda Daalibaan gacanta ku dhigeen Caasimadda Afgnistan ee Kabul waxay maanta oo Talaado ah soo saareen Cafis Guud  oo loo fidiyey dhamaan qof kasta oo ka mid ahaa Shaqaalaha Dowladii dhacday ee Madaxweyne Ashraf Qaani.

Qoraal ka soo baxay Xarakadda Daalibaan ayaa lagu sheegay in Cafis Guud la soo saaray, si ay Nolosha caadi ugu loo laabato, loona abuuro Kalsooni Buuxda.

Cafiska Guud laguma soo hadal-qaadin Shaqaalihii la shaqeyn jirey Ciiddamada Isbahaysiga Maraykanka ee haatan walaaca xoogan ka qaba Badqabkooda.

Kumanaan qof oo Rayid ah ayaa waxay shalay ku xoomeen Garoonka Caalamiga ee Kabul, si ay u qaxaan, kadib, markii ay  Daalibaan la wareegtay Maamulka Guud ee dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Kabul.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO