WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee George Weah oo loo dhaariyey xilka Madaxweynaha Dalka Liberia-Video

By Abdi rashid

January 23, 2018

Ciyaaryahankii hore George Weah ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Liberia, kaddib munaasabad ay ka qeyb galeen tobanaan kun oo ka dhacday garoon kubadda cagta ee magaalada Monrovia.

Weah ayaa balan qaaday inuu la dagaalami doono musuq maasuqa, isla markaana uu shaqaalaha dowladda siin doono mushaarkooda.

Munaasabadda dhaarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynayaasha Ghana, Gabon iyo Seirra Leone.

Sidoo kale dadka lagu casuumay waxaa ka mid ahaa ciyaaryahankii hore ee xulka Cameroon Samuel Eto’o.

Waxaa Munaasabadda goobjoog ka aheyd Madaxweynaha xilka ka dageysa Sirleaf oo noqotay Haweeneydii u horeysay oo Madaxweyne ka noqota Qaaradda Afrika

Madaxweyne Weah ayaa u mahad celiyay haweeneydii hore ee Madaxweynaha aheyd Ellen Jonhson Sirleaf oo xilka ka sii dageysa, tallaabadii ay dalka ugu soo celisay xasilooni iyo nabadgelyo, kaddib sanado badan oo dagaal sokeeye ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mr Weah oo 52 jir ah ayaa sheegay in uusan bixin karin wax kasta oo degdeg ah, hase ahaatee waxaa uu rajo ka muujiyay horumar laga gaaro himilooyinka dadka reer Liberia.

Weah ayaa u soo ciyaaray Kooxaha waa weyn ee Yurub ka dhisan, sida Monaco, AC Milan, Chelsea, Manchester City iyo Marseille, waxaa uu noqday ciyaaryahanka kaliya oo Afrikaan ah oo ku guuleysta abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Adduunka iyo abaal marinta Ballon D’Or.