WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda Maamulka Somaliland iyo Shacabka Boorame oo isku murugsan,wararkii ugu dambeeyay-Video

By Abdi rashid

December 17, 2017

Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Somaliland ay baadigoobayaan Fanaanka Nimcaan C/raxmaan Hilaac oo dhowaan dib ugu laabtay magaaladaas.

Sida ay sheegayaan wararka Fanaankan oo sanadihii dambe ku sugnaa Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho ayaa ka degay dalka Jabuuti, isagoo safar dhinaca dhulka ah ku galay Gobolka Awdal.

Ciidamada Booliska Somaliland oo ka war helay imaanshaha Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa tagay guriga uu ka degenaa Boorama, waxaana ay qoyskiisa ka dalbadeen inay dibadda u soo saaraan, isla markaana sharciga isku soo dhiibo.

Hase ahaatee dadka reer Boorama oo ku soo baxay arrintan ayaa is hor-taagay, waxaana shaqaaqo ka dhalatay ay sababtay dhaawacyo soo gaara dadka iyo ciidamada Booliska.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadweynihii ay guriga ka saraeen Nimcaan Hilaac, si ay u badbaadiyaan, iyagoo geeyay meelo kale.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Nimcaan Hilaac aabihii oo la sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska iyo qof ka mid ah qoyskiisa.

Tallaabada ka dhalatay isku dayga xariga Nimcaan Hilaac ayaa waxay sababtay xiisad tan iyo xalay ka taagneyd magaalada Boorama oo uu Fanaanka ka soo jeedo, aadna looga jecel yahay.

Sanado ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Fanaan Nimcaan Hillaac, kaddib markii uu bandhig faneed ku qabtay Muqdisho, dibna ugu laabtay magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO