WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ciidanka ATMIS oo Maanta lagu Qarxiyey Muqdisho & Xogta la helay

By xuseen waashitoon

April 03, 2023

Jugta qarax xooggan ayaa duhurnimadii Maanta laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow Xarunta hay’adda dembi baarista ee CID-da, waxaana qaraxaas kasoo baxaya warar kala duwan.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Gaari nooca xamuulka qaada oo kamid ahaa kolonyo ay wateen ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, isla markaana loo maleynayo in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay hareeraha laamiga, ayna qabsatay gaariga oo gubtay.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ka dhex dhacay gaariga ay lahaayeen ciidanka ATMIS, Kolonyada gaadiidka ciidamada ATMIS ee qaraxa ka dhax dhacay ayaa ka yimid dhinaca laamiga Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa, kaddib ayaa ciidamada ATMIS waxa ay fureen rasaas xooggan oo qal-qal badan galisay dadkii ku sugnaa isgoska KM-4 iyo hareeraheeda, Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in saddex haweeney ah ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaan wali faah faahin badan ka bixin qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaa agagaarka arunta hay’adda dembi baarista ee CID-da

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA