WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidanka Amniga oo toogtay Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Baladweyne

By xuseen waashitoon

March 05, 2022

Sarkaal lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Biriq ayaa xalay koox hubeysan waxay ku dileen xaafadda Holwadaag ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Banaadir, waxaana Sarkaalka uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Hirshabeelle.

Dableydii dishay Sarkaalka ayaa markii uu dhacay falka goobta ka baxsatay, balse howlgal Ciidanka ammaanka ay sameeyeen ayey kusoo dileen laba ruux oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii xalay loo geystay Axmed Xasan oo ahaa Sarkaal Boolis.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamada Baladweyne sidoo kale gacanta ay kusoo dhigeen saddex ruux kale oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka Sarkaalka, kuwaasi oo ay baaritaano kala duwan ku wadaan Ciidanka Booliska.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa hore marar kala duwan uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Askar, Saraakiil Ciidan iyo Nabaddoono, iyadoona dhawaan Magaaladaas lagu dilay Nabaddoon caan ka ahaa Gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ