WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidamo soo qaatay Tababar Casri ah oo kasoo degay Garoonka Muqdisho

By xuseen waashitoon

December 04, 2021

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka oo sabti ah kasoo degtay diyaarad sidday Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga.

Ciidamada oo si gaar ah uga tirsan Ururka 9-aad ee Kumaandooska Gor-gor ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka dhulka Biixi oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Ciidanka Gorgor ay qeyb ka yihiin howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan Gobollada dalka, isagoona sheegay inay soo qaateen tababar Casri ah.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee tababarka u soo siisay Ciidamada ka tirsan kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor, wuxuuna xusay in tababarkooda uu yahay mid kalsooni weyn ay ku qabaan .

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA