Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lala eegtay Qarax khasaaro dhaliyey

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago Remote Control-ka oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay gaari Soomaalida u taqaano Uuraal oo saarnaayeen Ciidamo Milateri ah oo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana qaraxu ku qabsaday halka loo yaqaano buurta qowlo oo ku dhow Baladweyne.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha kasoo gaaray Ciidanka Itoobiyaanka ahaa qaraxii gaarigooda lala beegsaday, waxaana xusid mudan in qaraxa kadib ay Ciidanka fureen rasaas farabadan.

Ciidanka la qaraxiyey ayaa kusii jeeday Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin halka loo yaqaan Jante Kuundishe ee Gobolka Hiiraan, iyadoona Mas’uuliyada qaraxas dhacay ay sheegteen Al-shabaab.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Exit mobile version