WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda ammaanka Degmada Baardheere oo toogtay Haweenay is qarxin rabtay-Video

By Abdi rashid

August 08, 2019

Muqdisho (HM)-Ciidamada ammaanka ayaa shaaciyey in ay magaaladda Baardheere ku toogteen qof dumar ah oo isku soo xirtay walxo qarxa, maanta oo Khamiis ah.

Mas’uuliyiinta amaanka xarunta gobolka Gedo ayaa u sheegay in haweenaydaasi ay damac-saneyd in ay beegsato saldhiga booliska oo xiligaasi mashquul ahaa.

Warbixinadda ayaa intaasi ku daraya in haweenayda ay daqiiqado kahor kasoo degtay gaari caasi ah, ayna wadatay cunug, wallow warar is-khilaafsan ay kasoo baxaayan halkay ka timid.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxamed Cismaan Yarow, taliyaha bileyska Baardheere oo dhacdadan u xaqiijiyey Warbaahinta ayaa tibaaxay in ay baaritaano ku bilaabeen shaqsiyada haweenayda iyo halka ay ka timid.

“Markii ay gaariga kasoo degtay durba dhanka saldhiga ayey soo aaday iyadda oo bambo kusoo tuurtay,” ayuu yiri Yarow oo intaasi raaciyey “Askari heegan ku jiray ayaa toogasho ku dilay”.

Taliyaha ayaa intaasi raaciyey in hal askari uu ku dhaawacmay qaraxa. Balse warar kale oo soo baxaya waxay soo jeedinaya in ay waxyeelo soo gaareen laba askari oo goobta ka akdhoweyd.

Yarow ayaa si horudhac ah wuxuu u beeniyay in haweenayda oo uusan magaceeda soo bandhigin ay ka timid dhanka Baydhabo, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Taasi kama horudhici karo. Balse, illaa iyo haatan warkaasi waa mid sal iyo baar aanan lahayn,” ayuu taliyaha yidhi Taliyaha Degmada Baardheere.

Macluumaadyo kala duwan oo laga helay laamaha amniga ee baaritaanka ku guda jira ayaa daaha ka rogaya in qaraxa laga helay qaybo kamid ah jirkeeda.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo qaraxii xarunta gobolka Banaadir ee 24-ka bishii hore e July 2019 la sheegay in ay fulisay haweenay araga la’, taasi oo shaqaalaha dowladda hoose kamid ahayd.