Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ururka 53-aad Guutada 14 Oktoobar ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigeen Nin xaaskiisa ku diley tuulada Muur,Diinle kuna dhow deeganka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Cabduqadir Cali Axmed oo xaaskiisa oo lagu Magacaabi jirey khadiija Sheekh Nuur Cabdi oo ku dilay deegaanka sabiid iyo caanoole, kaas oo dilka kadib baxsaday.
Taliyaha Ururka 53-ee Guutada 14 Oktoobar Dhamme Daa’uud oo xaqijiyay in la qabtay Ninka dilay Xaasiisa ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhax galay Haweeneyda iyo seygeeda, isla markaana xilliga la dilayay ay laheyd Uur 8 Bilood.