Laascaanood ( HM) Dr. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii Maamulkii Khaatumo ee iska kala harjaday isla markana u kala galay maamulada hareeraha oo Mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Hargeisa ee Caasimadda maamulka aqoonsi raadiska ah ee Soomaliland, ayaa sheegay inuu ka degi doono magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka.
HALKAN KA DAAWO
“Safar deg deg ah ayaa isoo galay, Waxaan sii marayaa Adis-ababa, kadibna waxaan uga sii gudbi doonaa magaalada Muqdisho, oo Mudo 5-Sano ah aan tegin, Muqdisho waa dal Soomaaliyeed, Waxaana u tagayaa Arin degdeg ah oo Shaqsi ah, Marka ay Howshaasi ii soo dhamaato waan kusoo noqon doonaa halkan”.
Wuxuu Rajjo wanaagsan ka muujiyey Heshiiskii Khaatumo ay la gashay maamulka Somaliland “Anigu Warkayga waan cadaystaa, Anigoo Hargeisa jooga ayaan leeyahay Dadaal badan ayaanu gelinay Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Hadana meel-wacan ayuu Marayaa, Reer Khaatumo iyo kuwii naga soo horjeedayba wax fiican ayay ka filayaan Heshiiskan”. Ayuu yidhi Galaydh.
Horufadhi News