WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Cali Jeyte oo kasoo horjeestay xilka ka qaadista & kuna dhawaaqay

By xuseen waashitoon

June 18, 2023

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistii uu xalay ku sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, kadib markii Jeyte uu Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne.

Guddoomiye Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado, inkastoo ay xusid mudan tahay inuu isagu markii hore magacaabay.

Cali Jeyte ayaa sheegay in  maanta wixii ka dambeeya Gobolka Hiiraan uusan qeyb ka aheyn dowlad Goboleedka Hirshabelle, isagoona ku baaqay shirweyne lagu  dhisayo maamul uu ku sheegay Magaciisa Hiiraan state oo laga hirgelinayo gobolkaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA