WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Camey Buuhoodle ma ka heli doonaa awood Ciidan iyo Doorkiisa xoreynta G.Sool ee wakhtigan-Video+Warbixin

By Abdi rashid

June 01, 2018

Buuhoodle (Horufadhi News)-Madaxweyne ku xigeenka Maamul Gobaleedka Puntland Cabdixakiim Camey oo labadii cashee lasoo dhaafay ku sugnaa Gobalka Cayn ayaa ugu danbayn waxaa uu maalinimadii shalay gaadhay magaalada Buuhoodle ee xarunta u ah Gobalka Cayn halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Soo dhaweynta Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu Buuhoodle ku tagay marka laga yimaado qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Gobalka waxaa si weyn uga dhex muuqday inta badan isimadii dhaqanka ee Gobalka Cayn kuwaas oo dhamaantood si isku mid ah usoo dhaweeyay Safarka Madaxweyne Camey ee Buuhoodle isla markaana u balan qaaday in wax kasta oo uu codsado ay la garab taagan yihiin awood ciidan iyo Mid Calafba waa sida ay hadalka u dhigeene.

Madaxweyne Camey oo khudbad dheer ka jeediyey madasha soo dhaweynta oo la iskugu tagay garoonka Xabaddo ee Gudaha Buuhoodle waxaa uu ka mahad celiyey Soo dhaweynta shacabka Reer Buuhoodle u sameeyeen,Ciidamadda Difaaca Buuhoodle iyo Madaxda dhaqanka oo door weyn ku lahaa soo dhaweyntiisa.

Intaas kadib Camey waxaa u si toos ah isaga oo aan hadalka ka meersan reer Buuhoodle ugu cadeeyey ujeedkiisa uu maanta u yimid Buuhoodle kaliya in ay tahay awood Ciidan iyo mid calaf sidii uu uga heli lahaa isla markaana uu dhulka Somaliland haysato ugu xoreyn lahaa sida uu hadalka u dhigay “Waxaan idiin sheegayaa in aan Maanta Buuhoodle kaliya u imid sidii aan u heli lahayn awood Ciidan iyo Mid Calafba,Adeer waxaan cadeynayaa in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin ma dhaceyso in Somaliland ay nabad ku baaqdo dhibaatooyina kawado Tukaraq’’ ayuu yidhi Camey oo Buuhoodle kula hadlayey Boqolaal shacab ah.

Camey waxaa uu kale oo hadalkiisa sii raaciyey‘’Waxaa aad la socotaan in laba dagaal uu dhacday, mana joogsan doono dagaalka, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto’’.

Waxa uu intaa kusii daray ‘’Xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka isma taagi doono,”

HALKAN KA DAAWO KHUBADDA CAMEY

Sidoo kale, Madaxweyne Camey waxaa uu Beesha Caalamka ka dalbaday in si dhex dhexaadnimo ah ay u xaliyaan dagaalka socda, isagoo cod dheer ku sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin, haddii aysan Beesha caalamka noqon dhexdhexaad.

Camey ayaa maalintii Doraad markii lagu soo dhaweeyey Degmadda Xamar lagu-xidh waxaa uu ka afeeftay in uusan Safarkan u socon wax siyaasad ah balse uu kaliya doonayo in uu u kuur galo isla markaana wax ka ogaado xaalada nololeed ee Dadka Gobalka Cayn.hase ahaatee Buuhoodle markii uu shalay tagay hadal waxaa uu ka bilaabay dhaleecaynta Somaliland iyo kaliya in safarkiisan yahay Sidii uu Dadka reer Buuhoodle uga heli lahaa awood ciidan iyo Mid Calaf.

Si kastaba ha ahaatee Socdaalka Camey ee Buuhoodle ayaa kusoo beegmaya xili ay Dad badan oo dhaliila Siyaasada Puntland ay kasoo hor jeedaan iyaga oo u haya Camey iyo Puntland in uu ka indho Qarsaday Reer Buuhoodle xiliyo adag oo ay u baahnaayeen in uu u yimaado hase ahaatee maanta uu dantiisa wato,sidoo kale Safarka ayaa imaanaya xili warar hoose oo Diblamaasiyadeed ay Horufadhi News usoo dusinayaan in Somaliland ay wado Qorshe Wasiirka Gaashaandhiga loogu magacaabayo Xaglo-toosiye oo dhawaan ku laabtay Magaalada Hargeysa kadib markii uu khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay isaga iyo Somaliland ugu maqnaa Imaaraadka.