WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiwali Gaas oo maanta imaaraadka looga yeedhay xili xiisadda labada dal meel xun mareyso-Video+Warbixin

By Abdi rashid

April 21, 2018

Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka duulay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isaga oo ku sii jeeday dalka Imaaraatka Carabta.

Madaxweyne Gaas ayaa saxaafadda isaga oo kula hadlayay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, wuxuu sheegay in safarkiisa Imaaraatka Carabta uu la xiriiro arimo dhowr ah.

Gaas, wuxuu sheegay inuu la kulmi doono madaxda Imaaraatka Carabta, islamarkaana uu kala hadli doono tayeynta ciidamada Badda Puntland oo tababaro ay siiyaan Imaaraatka Carabta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Safarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta ay xoogeysatay, islamarkaana dowladda Imaaraadka ay joojisay Tababaradii ciidamada dowladda Soomaaliya.

Imaaraatka Carabta ayaa tababaro siin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ay Muqdisho ka wadeen mashaariic kala duwan, waxaana iminka socdo wadahadalo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay xadhiga Boqor Buur-madow oo kamid ah isimadda Deegaanada maamulka Somaliland ugu caansan oo Hargeysa ku xidhan maalmo kadib booqasho uu ku tagay deeganaada maamulka Puntland kadibna madal baladhan kula kulmay xubno Siyaasiyiin ah oo uu Gaas kamid  yahay.

Horufadhi News