WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Buuq ka taagan xarunta Golaha Shacabka, Saxaafaddii oo banaanka loo saaray iyo xiisad-Video

By Abdi rashid

April 06, 2019

Muqdisho (HM)-Dood culus ayaa ka dhalatay go’aan uu hore u gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ahaa in kulanka maanta aanay saxaafaddu goobjoog ka noqon, kaasoo ay ka hor yimaadeen qaar ka mida xildhibaannada.

Arrintan oo dooda ka dhex dhalisay Guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada qaarkood ayaa la sheegay inay ka dhalatay culeys ay guddoonka Baarlamaanka saartay xukuumadda, waxaana markii danbe guddoonka lagu qasbay inuu cod u qaado arrinta saxaafadda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Fadhiga maanta oo Golaha Baarlamaanka ay hor imaanayaan Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga, Guddoomiyaha G/Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ayaa lagu wadaa inay su’aalo adag wajahaan.