WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Boqor Buurmadow oo Raalli-gelin ka bixiyey hadal muranka dhaliyey

By xuseen waashitoon

November 30, 2021

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow) ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay hadal uu horey u sheegay oo ku tilmaamay inuu ahaa mid kaftan ah oo la siyaasadeeyay.

“Waxaan joogay oo aan ka hadlayay qado beeleed, waanu kaftameynayay waan hadleynay, kaftan beeleed buu ahaa ee ujeedo kale kama laheyn” ayuu yiri Buur-madow oo sheegay in booqashadiisa ay ku saleysan tahay xoojinta nabadda iyo isu soo dhaweynta shacabka.

Buur madow ayaa intaas ku daray inuu horey u bayaaniyey in cid kasta oo dhiig daadisa uusan taageersaneyn.

“Aniga horey ayaan u caddeeyay cid kasta oo dhiig daadisa ama dhaqan haku daadiso ama siyaasad haku daadiso ama diin haku daadise in aan marnaba anigu taageersaneyn” ayuu yiri Buurmadow.

Waxaa uu sheegay in wax xiriir ah uusan kala dhexeyn Al Shabaab. “Ma jirto Shabaab wax naga dhexeeya iyo fikir naga dhexeeya taasna shacabka wuu ogyahay, waana la iigu yaqaanaa” ayuu buur madow oo raali gelin siiyey cid kasta oo dhibasatay hadalkiisa.

Sidoo hadalada la dhibsaday ee Buurmadow waxaa ka mid ahaa inuu ka tacsiyeeyay geerida hoggaamiyihii hore ee Shabaab Axmed Godane.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA