WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Booliska oo soo Bandhigay Qaraxyo iyo Rag ka tirsan Al-shabaab

By Xuseen Post

April 01, 2021

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag loo haysto falal argagixisanimo oo howlgal lagu soo qabtay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Aadan Doodisho ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Amniga ka fuliyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo afar qof oo loo heysto falal Argagixiso iyo walxaha qarxa oo ay diyaarinayeen.

Gaashaanle Saadaq Aadan Doodisho ayaa sheegay in ragga la soo qabtay uu ku socdo baaritaan dheeraad ahm ayna soo taagi doonaan Maxkamad marka uu dhamaado baaritaanka.

Riix halkaan si aa u Daawato Muuqaalka Qaraxyada.