WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Booliska oo War kasoo saaray Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Muqdisho

By xuseen waashitoon

November 10, 2021

Xilli shalay guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda degmada Wadajir uu sheegay in lagu qaaday Gaari uu watay weerar qorsheysan oo la doonayay in lagu dilo ayaa waxaa Shaqaaqadaas faah faahin ka bixiyay Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka Booliska oo howlgal ka wada Barkoontorool oo ku taalla Wadajir ay qabteen Mooto Bajaaj taargo la’aan ah balse rag hubeysan uu dalbaday iyo Ciidamada Booliska dagaal dhexmaray uu kusoo dhex dhacay guddoomiyaha Siyaasadda degmsda Wadajir.

“Gudoomiye ku xigeenka Siyaasadda Wadajir waxaa uu si lama filaan ah uu kusoo galay shaqaaqo u dhaxeysay Militariga iyo Booliska, markii ay rasaastu la hubiyey ayuu durba iska difaacay asna ayuu yiri” Afhayeenka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Shaqaaqada ka dhacday uu ku geeriyooday askari ka tirsan Ciidanka Booliska & iyo askari ka tirsan Millateriga oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska waxaa uu ka digay in Magaalada Muqdisho dhexdeeda lagu wato Gaari ama Mooto Bajaaj taargo la’aan ah.