WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Booliska oo faah faahiyey sababta loogu diiday inuu dhoofo C/weli Muudeey

By xuseen waashitoon

February 14, 2022

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababtii shalay loogu celiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey xili uu Baraawe kusii jeeday.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacaka aan laga celin in uu Garoonka ka dhoofo, balse loo diiday in uu la tago ciidan badan uu watay.

Waxa uu xusay Afhayeenka Booliska in ciidamo aad u tiro badan oo watay hubka culus uu doonayay Cabdiweli Muudey in uu kala dhoofo Garoonka Aadan Cadde lana aado dhinaca magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Cabdiweli Muudeey ayaa sheegay in loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xili uu kusii jeeday Magaalada Baraawe, isla markaana uu doonayey inuu ku tartamo kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee uu ku fadhiyo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA