Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Booliska ah oo War kasoo saaray Khasaaraha Qaraxii Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyay khasaaraha dhimasho midka dhaawac iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay qaraxa Gaariga loo adeegsaday ee lagu weeraray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan (Duudishe) oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Taliyaha qaraxa lagu weeraray xilli uu marayay wadada ka leexatay Isgoyska Banaadir ee aada dhinaca Isbitaalka Banaasir, isla markaana uu ka badbaaday.

Waxaa uu sheegay Sadiiq Aadan (Duudishe) in qaraxa ay ka dameeyeen Al-Shabaab ayna doonayeen inay ku dilaan Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, balse uu ka badbaaday.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay inay qaraxa ku dhinteen 5 Ruux oo Shacab ah, 9 kale ay ku dhaawacmeenn ,sidoo kale uu jiro dad farabadan oo ka burburtay hantidooda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALO

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray Kolonyada uu watay Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qarooel, iyaga oo sheegay inay askar farabadan ku dileen.

Exit mobile version