Ugaas C/Rashiid Xasan oo kamid ah Isimada dhaqanka ee Degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa eedayn dusha uga Tuuray Maamulka Puntland, Wuxuuna sheegay inay deegaanka Bixin ay ka wado Dhul-boob Cusub.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Maamulka Puntland, Ama Qabiilka dega Garoowe waxay Caado ka dhigteen inay kusoo duulaan oo sheegtaan Deegaanka Bixin oo ka Tirsan Boocame, Waxaanu Leenahay hala Joojiyo daan-daansiga” Ayuu yidhi.
Ugaaska ayaaa sidoo kale wuxuu si gaar ah uga hadlay Gudoomiyaha Garoowe Cumar Farawayne, oo uu sheegay inuu hogaaminayo Dhul boobka Garoowe ay doonayso.
Ugu dambayntii guud ahaanba shacabka gobolka Sool ayuu ugu Baaqay inay Difaacdaan Dhulkooda.