Munaasibadan oo ahayd mid ay isugu yimaadeen dhamaan qaybaa kala duwan ee Beesha Cabdi Garaad ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood , Waxaana madashan looga dhawaaqay cida ay iska dhex dooratay beesha CABDI GARAAD iyo Isimka ay u boqreen , ka dib geeridii ku timid Garaad Cali Buraale.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madashan oo ay fadhiyeen 11 ka caaqil ee beeshan , Ganacsatada Siyaasiyiinta Haween waynaha beeshan iyo waliba dhalinyarada ayaa waxaa ugu horayn ku dhawaaqay Wakiilkii hore ee Garaad Cali Buraale Jaamac C/Raxmaan Cali Buraaale Isgaa oo sheegay Isimka ay u doorteen Hogaanka dhaqanka ee Beeshani inuu yahay Mukhtaad Garaad Cali Buraaale .