Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Beel lagu wareejiyey Geel laga dhacay 33 Sano ka hor-Video

Hargeisa ( HM) Colaadihii ka dhici jiray dadka ood wadaagta ah had iyo jeer saamayn ayey ku yeeshaan nolosha iyo dhaqaalaha dadku haystaan, dad iyo duunyaba waa lagu dhibtoodaa, dadka waa lagu gumaadaa , hantidana waa lagu dhacaa.

Deegaankaas laba qoys ee Ciidagale iyo Reer Isaaq Ogaadeen arrimaha ka dhici jiray saamayn ayey si gaara iigu lahaayeen anigoo yar ayaan xasuustaa dhacdooyin goobahaas ka dhacay oo qoyskayaga saamayn ku yeeshay, maadaama ehelkaygu reer Awaare yahay, waxaan xasuustaa dhacdooyin kaas oo gurigayaga si toos ah looga dareemi jiray, maanta arrintan ka dhacday deegaankaasi waxay ila xidhiidhisay dhacdooyinkii hore ee murugada badnaa oo dhacdadani waxay igu abuurtay dareen ka duwan kii xilliyaddii hore, arrintan maanta ka dhacday deegaankaas Awaare iyo nawaaxigiisa waxay inagu waajibinaysaa in aan is dultaagno waa arrin lagu farxo oo wanaag iyo kalsooni Soomaali ka dhex abuuraysa, walaaltinnimadii asalka ahaydna soo celinaysa.

Cali Ibnu Abii Daalib (RC) ayaa loo tiiriyaa weedha tidhaahda ”لو كان الفقر رجلا لقتلته” “Haday baahida iyo gaajadu nin ama qof ahaan lahayd waan dili-lahaa”

Si loo waayo qof baahda, waxaan odhan lahaa Haddii ay colaadaha iyo loolanku qof ahaan lahaayeen waan ka takhalusi lahaa, saa dad badan oo qiimo leh ayaan la waayeen, guryo badana lagama baroorteen.

Arrintan mid yar maaha waxaa dareemi kara qofkii ay si toos ah iyo si dadban colaadihii deegaanadaas ka dhici jiray u saameyn jireen, talaabada uu qaaday qoyskaas Ciida-gale ka soo jeeda ee geela ugu soo celiyey qoyska kale ee Reer Isaaq Ogaadeen muddo 33 sanno ah ka dib waa talaabo ku dayasho mudan, waana talaabo loo baahan yahay in gayiga Soomaali degto oo dhan laga hir galiyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Exit mobile version