WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Banaanbaxyo looga soo horjeeday Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

By Xuseen Post

April 27, 2021

Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka dhacay waqooyiga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Boqolaal dadweyne oo isugu jiray dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa afurkii kadib isugu tegay deegaanka gubadley ee Kaaraan oo ay kasoo dhaqaaqeen, iyagoona aad u careysan muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid yihiin (doonimeyno Farmaajo, doorasho diid doonimeyno iyo ha dhaco), isla markaana sitay boorar ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha dalka isaga baxo oo ay ku tilmaameen inuu yahay kaligii taliye, ayna kasoo horjeedan tallaabadaas.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka.