Hargeisa ( HM) Magaalada Hargaysa waxaa ka dhacay Banaanbax Looga Soo Hor jeedo Xadhiga loo gaysanayo Shacabka, Sidoo kalana waxaa lagu Codsaday in lasoo daayo Sheekh Aadan Sunne.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Kacdoonkan ayaa ka dhacay Afaafka Hore Madaxtooyada Somaliland islamarkaana waxaa ay Shacabku fariimo Adag u direen Madaxwayne Muuse Biixi.
Dhinaca kale Xisbiga Wadani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si adag kaga hadlay xaaladaha ka jira deegaanada Somaliland iyo kacdoonka Shacab ee ay ku abaabuli doonaan madaxweyne Biixi.
Xoghayaha Duulista Hawada ee xisbiga Wadani Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye Mudadii todobada sano ee lasoo dhaafay uu Somaliland geliyay heshiisyo aysan qaadi karin.