WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Banaanbax looga soo horjeeday Somaliland oo ka dhacay Gaalkacyo

By xuseen waashitoon

January 01, 2023

Banaanbax looga soo horjeedo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Hal-doorka iyo shacabka magaalada Laascaanood ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee dhanka xiga dowlad Goboleedka Puntland.

Boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay Gaalkacyo ayaa dhigay banaanbaxa oo ay uga soo horjeedeen dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka kunool Laascaanood, waxay dadka dhigaayay dibadbaxa ay xirteen qeybo kamid ah waddooyinka Gaalkacyo.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa waday oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu ka dambeeyo dhibaateynta shacabka Laascaanood, isla markaana ay ka xun yihiin dadkii ay ciidamada Booliska Somaliland ku xasuuqeen magaalada.

Sidoo kale dadka ayaa sheegay in Muuse Biixi uusan xil ku heleynin daadinta dhiiga shacabka Laascaanood, iyagoona intaas kusii daray in Maamulka Somaliland ay kusoo duuleen reer Laascaanood oo isugu dareen dilal iyo dhibaatooyin kala duwan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA