Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Baashe Maxamed Faarax oo sharci daro ku tilmaamay Xadhiga Dhakool kadib markii loo diiday inuu booqdo, Xiisad culus-Video

Laascaanood  ( HM ) -Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland   Baashe Maxamed Faarax oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa wuxuu Sharci darro ku tilmaamay   Xadhiga Xildhibaan Dhakool, Balse ay ku kala Aragti duwan yihiin 18-May.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Xildhibaanku wuxuu Dhiibtay Aragtidiisa, Dastuurka ayaana u Fasaxaya, waxaan ka xunahay Xadhiga loo gaystay oo Baalmarsan Sharciga,     Xildhibaanku wuxuu leeyahay Dariiq loo maro, isagoo Xasaanad leh ayaa  loo daatay Gurigiisa oo lasoo xidhay “ Ayuu yidhi Baashe.

Ciidamada Booliska  ayuu ugu baaqay inay marka ay dadka iyo Masuuliyiinta Xadhiyaan u maraan Sifo Sharci ah.

Dhinaca kale Gudoomiye Baashe ayaa sheegay in laga Hor istaagay  inuu Booqdo, Wuxuuna sidoo kale xusay inay dambi kale tahay Maxkamadda la keenay maanta.

Exit mobile version