HORUFADHI MEDIA |

DAAWO- Baabul Camey oo fulinaya Amarka Gaas oo cadeeyey sababta uu Isbaarada ugu dhigtay Diyaaradii Khaatumo u socotay-Video.

C.xakiin C.laahi Camey (Baabul) oo Madaxwayne ku xigeenka ugu magacaaban Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Sababta ay Diyaarad kuwa Gar-gaarka ah oo u socotay magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ay ugu Khasbeen inay kasoo degto magaalada Garoowe, Iyadoona Halkaasi lagu dhibaateeyay Wafdiga ku socoday Buuhoodle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdixakiin Camey ayaa sheegay in Wafdigaasi oo u badan Maraykan ay Sharci daro ku socdeen Wuxuuna ku eedeeyay inay Casuumada ka heleen Madaxwaynaha khaatumo Dr. Cali Khaliif, Wuxuuna ku dooday Inay Puntland Xukunto Buuhoodle ” Diyaraarad aan Fasax ka Haysan Kuma soo degi karto Buuhoodle”. ayuu yidhi Camey. Wuxuu farta ku fiiqay in ninkii loo wakiishay ee Madaxweynaha Khaatumo u dirty wafting inuu Adis Ababa ka soo gaxeeyo waftiga uu ku wargeliyo, kaasoo ahaa Xirsi Abdi Badhi, oo la sheegay inuu laba wajiilenimo ku shaqaysanayey. Wuxuuna sheegay in ninkaasi u fududeeyo xogta ku saabsan raggan Maraykanka ahaa ee Dr Galaydh iyo maamulkiisu ka soo shaqeeyeen.

Sidoo kale waxaa Su’aalo laga waydiiyey Sababta uu Xiligan iyadoo dadku ay ku Jiraan Xaalad Abaareed iyo Xanuuno kale inuu Siyaasadeeyo Gar-gaarka, Waxaana la sheegay in Taariikh Xumadii ugu Waynayd ay Halkaasi maanta ka raacday Cabdixakiin Camey Taasi oo Bulshada oo dhan la yaab ku Noqotay.

Exit mobile version