Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Axmed Ducaale Xaaf oo lagu soo dhoweeyay duleedka Dhuusamareeb iyo Qoorqoor oo sheegay inay heshiiyeen-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa deegaanka Godinlabe ee duleedka Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay wafdigii Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kuwaasoo safar dhinaca dhulka ah uga yimid Gaalkacyo.

Soo dhoweynta ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, senator iyo siyaasiyiin, kuwaasoo qeyb ka ahaa dadaaladii mira dhalka noqday ee suura geliyay in Xaaf aqbalo inuu tago Dhuusamareeb, si uu xilka u wareejiyo.

Madaxweyne Qoorqoor iyo Madaxweyne Xaaf ayaa hal gaari isla raacay, waxaana kolonyada galbineysa ku soo wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Xaaf ayaa ka socota Dhuusamareeb, waxaana uu 10 bilood kaddib ku laabanayaa Caasimadda Galmudug, kaddib markii uu bishii June isaga baxay magaalada, kaddib khilaafkii isaga iyo Madaxdii Ahlusuna.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa u muuqda nin ka mira dhalinaya hal heyskiisii ahaa waayo arag isku wadi kara, inkastoo doorashadiisa khilaaf hareeyeen, lana kulmay mucaarado xooggan, waxaana uu qaaday tallaab wanaagsan oo uu isku soo dhoweynayo dhammaan dhinacyadii ka aragti duwaneyd, albaabadda wada hadalkana furay, si dib u heshiisiin loo gaaro.

Galmudug ayaa u bilowday waa cusub oo dib u heshiisiin iyo midnimo, kaddib afar sano oo maamulkeeda khilaaf ragaadiyay iyo kala aragti duwanaan muddo soo jiitameysay oo siyaasiyiinta deegaanka u dhaxeysay.

Exit mobile version