WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Al-shabaab oo weeraray Baydhabo, xili uu joogo Rooble iyo Madax…

By xuseen waashitoon

December 21, 2021

Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ,halkaas ay joogaan Ra’isul Wasaare Rooble iyo madax ka tirsan dowlad Goboleedyada.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ku yaalla Baydhabo ay joogaan ciidanka dowlada, waxaana la maqlayay daryanka hubka culus iyo kan fudud oo dareen cabsi ku abuuray bulshada Baydhabo.

Ciidamada dowlada ee ku sugnaa saldhiga la weeraray ayaa la sheegay in ay iska difaaceen weerarka uga yimid Al Shabaab, waxaana daqiiqado kadib joogsaday dagaalka kadib markii dib uga baxeen magaalada dagaalyahanadii soo weeraray.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo laamaha amaanka ee magaalada Baydhabo ayaan wali ka hadlin weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen magaalada iyo khasaaraha ka dhashay, xaalada magaalada Baydhabo ayaana saakay ah mid degan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA