WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 23, 2022

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahin Macallimuu ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii dalka Turkiga looga soo daaweyay dhaawac ka soo gaaray qarax lagula beegsaday Muqdisho bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo bahda saxaafadda, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah eheladiisa iyo asxaabtiisa ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Macalimuu oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad waxa uuna sheegay in uu hada wanaagsan yahay , waxa uuna mahadceliyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadad  iyo cid kasta oo gacan ka geesatay in uu helo caafimaad.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Macallimuu isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii  lala beegsaday.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA