WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Afhayeenka Ciidanka Maamulka Puntland oo u dhaartay Muuse Biixi“Laascaanood ayaa inoo ballan ah, waa lagu ilaalin doonaa”-Video

By Abdi rashid

January 22, 2018

Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal shalay ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaas oo ahaa in Somaliland  uu xuduudkeeda ku egyahay duleedka Garoowe ayna tagi doonaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Afhayeenka ciidanka Puntland Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Kasoo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Wuxuuna ku eedeeyay shaqsi fudud oo dagaal ooge ah.

Gubadle ayaa sheegay in aysan isku darajo ahayn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Muuse Biixi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay labo korneyl yihiin isaga iyo Muuse Biixi, ayna tahay sababta uu hadda ugu jawaabayo.

Gaashaanle Sare Gubadle waxa uu hadalkiisa si raaciyey in ay Puntland guud ahaanba gacanta ku dhigi doonto gobalka Sool oo ay dib-u-sooceelin doonto Laascanood.