WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Aas Qaran oo loo sameeyay Saraakiishii ku dhimatay Qaraxii Waaberi

By Xuseen Post

May 10, 2021

Waxaa Maanta qabuuro ku yaalla gudaha Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir iyo Taliye ku-xigeenkii qeybta Weliyow Cadde oo xalay qarax lagu dilay.

Aaska loo sameeyay Marxuum Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane iyo Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, Mas’uuliyiin, Ehelo iyo dadweyne badan.

Saraakiisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta ka qeyb galay Aaska Baashane iyo Baasid ayaa Alle uga baryay inuu u naxariisto, isla markaana tacsi u diray qoysaska iyo Taliska Ciidanka Booliska oo ay ka baxeen.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka Aaska.